Home » Latin America » Neymar Oo Xulka Brazil Kula Midoobay Magaalada Porto Alegre Diyaarna U Ah Ka Qayb Qaadashada Copa America

Neymar Oo Xulka Brazil Kula Midoobay Magaalada Porto Alegre Diyaarna U Ah Ka Qayb Qaadashada Copa America


Brazil1

Neymar Jr. oo xili cayaareedkan caalamka wacdaro tusay kadib markii uu kooxdiisa Barcelona u dhaliyay 39-gool sidoo kalena sedex koob oo muhiim ah kula guuleestay ayaa u safray dalka Brazil.

Weeraryahankan tayada wanaagsan ayaa kasoo muuqdao xarunta tababarka xulka Brazil oo ay haatan ku qaadanayaan magaalada Porto Alegre.

Macalin Dunga iyo dhamaan xidigaha xulka Brazil loo xulay inay tartanka Copa America ka qayb qaataan ayaa Neymar gacmo furan kusoo dhaweeyeen.

Neymar ayaa ka dhawaajiyay inuusan nasan doonin sidoo kalena xulka Brazil ka caawin doono hanashada Copa Amerika oo maal maha nagu soo fool leh dalka Chile ka bilaaban doono.

23-jirkan ayaa ku faraxsan guud ahaan waxa u qabsoomay xili cayaareedkan balse wuxuu doonayaa farxadiisa uu Barcelona la qeebsaday inuu sidoo kalena xulkiisa Brazil tartanka Copa America kula wadaago.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>