Home » Horyaalada » La Liga Spain » Nicolas Otamendi Oo Iska Diiday Inuu Naadiga Kale Ku Biiro Kaliya Man United Ayuu Daafacan Rabaa

Nicolas Otamendi Oo Iska Diiday Inuu Naadiga Kale Ku Biiro Kaliya Man United Ayuu Daafacan Rabaa


nicolas-otamendi-576731

Kooxda Valencia ayaa daafaceeda Nicolas Otamendi ku qal qaalin rabtay inuu aqbalo ama soo dhaweeyo dalabyo ay xidigan usoo direen kooxaha Real Madrid iyo Chelsea.

Balse daafaca reer Argentina ayaa qorshahan ku gacan seeray wuxuuna maamulka kooxdiisa ku wargaliyay inuu kaliya kooxda Man United ka jawaabi doono.

Xidigan awooda badan iyo wakiilkiisa waxay isku raaceen inay garoonka Old Trafford usoo dhaqaaqaan oo weliba ay qiimo jaban kusoo aadaan.

Kooxda Valencia waxay rabtay inay wada hadalo la furto kooxaha Chelsea iyo Real Madrid oo xiiseenayaan daafacan sidoo kalena diyaar u ah lacagaha €50m ee qandaraaskiisa lagu jebin karo inay bixiyaan.

Balse qorshahan waxaa ka warhelay Otamendi oo kooxdiisa u sheegay inay Man United wada hadalo la furaan sidoo kalena uusan xiiseeneyn dalabyada kooxaha kale.

Man United waxay ku kalsoon tahay in 27-jirkan ay €35m ku qaadan karto madaama uu isaga kooxdiisa ku cadaadinaayo in laga iibiyo.

Balse saxaafada Spain waxay sadaalinee in United uu waqti badan kaga lumi doono soo xero galinta Otamendi lagana yaabo ilaa bisha September uu arinkiisa iska daba jiitamo.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>