Home » Horyaalada » La Liga Spain » Nicolas Otamendi Oo Kooxdiisa Valencia Ku Wargaliyay Inuu Xagaagan Isaga Hayaami Doono Garoonka Mastela

Nicolas Otamendi Oo Kooxdiisa Valencia Ku Wargaliyay Inuu Xagaagan Isaga Hayaami Doono Garoonka Mastela


Otamendi

Daafaca reer Argentina Nicolas Otamendi ee sida weyn naadiga Man United loola xariirinaayo ayaa sheegay inuu xagaagan kooxdiisa Valencia isaga hayaami doono.

Sidoo kale wakiilka xidigan ayaa ayidsan fikradiisa wuxuuna sheegay inuu Valencia kala hadli doono qaabkii Nicolas Otamendi xagaagan loo fasixi lahaa.

Eugenio Lopez oo ah wakiilka daafacan awooda badan wuxuu yiri “Nicolas wuxuu qaadi doonaa xagaagan tilaabo uu Valencia kaga tagaayo”

“Balse tilaabadiisa waxay noqon doontaa mid uu ku raali galin doono maamulka iyo taageerayaasha Valencia waxaana rajeynaa in codsigiisa loo tixgalin doono”

Sidoo kale 27-jirkan ayaa arinkan ayiday wuxuuna yiri “Waan la hadlay Valencia waxaana u sheegay inay taageeraan taalabada y qaadi doonaan wakiiladeyda anigoo doonayo inaan marwalbo Valencia tixgaliyo”

Dhawaan gudoomiyaha kooxda Valencia Amadeo Salvo wuxuu sheegay in Otamendi rabitaankiisa aysan ka hor istaagi doonin balse ay ka iibin doonaan naadigii la timaado 50-milyan oo euro ah.

Nicolas Otamendi xili cayaareedkii dhawaan soo idlaaday wuxuu kooxdiisa Valencia u saftay 35-kulan La Ligaha Spain asigoo dhaliyay 6-gool.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>