Wargeska Gazzetta dello Sport ayaa sheegay in xidiga reer Holland ee kooxda AC Milan ka tirsan Nidel de Jong uu iska diiday dalab wanaagsan ee uu ka helay naadiga Juventus.
Madaama De Jong uu xagaagan xor yahay sidoo kalena uu ku biiri karo naadigii uu doono wuxuu iska diiday Juventus oo damac xoogan kaga jiray inay xidigan waaya aragnimadiisa ka faa’iideesto.
Hadaba Wargeska Gazzetta dello Sport ayaa sheegay in De Jong uu doonayo ku biiritaanka kooxda Man United wuxuuna doonayaa inuu xidigan dib ula midoobo macalinkiisii hore Luis Van Gaal.
Kooxda AC Milan xidigan ma ceshan karto madaama uu doonayo inuu sanadka dambe cayaaro koobka horyaalada Yurub waxaana diyaar ula ah Man United oo sidoo kalena u balan qaaday inay todobaad walbo siin doonto 100,000 oo pound.
Inkastoo De Jong uu horey kooxda Man City sanado badan ugu soo cayaaray hadana xidigan diyaar ayuu u yahay inuu magaalada Manchester dib ugu soo laabto sidoo kalena uu xirto malaayida casaanka madaama u sanao badan horey u xirnaa maaliyada Buluuga ah.