Home » Maxaa Cusub » Nigel De Jong Oo Laga Reebay Xulka Holland Kadib Dhaawac Soo Gaaray

Nigel De Jong Oo Laga Reebay Xulka Holland Kadib Dhaawac Soo Gaaray


De Jong

Burburiyaha kooxda Ac Milan Nigel De Jong ayaa laga reebay Xulka Holland ee wajahi doona Mexico iyo Latvia kadib markii uu soo gaaray dhaawac dhanka muruqa ah.

Wiilasha Guus Hiddink ayaa Arbacada qaabili doona Mexico kulan saaxiibtinimo oo ka dhici doona Amsterdam, inkastoo sidoo kale ay isla garoonkaas ku wajahi doonaan Axada xulka Latvia kulan ka tirsan isreeb-reebka Euro 2016 ee ka dhici doona faransiiska.

Sida ay xaqiijiyeen xiriirka dalka Holland xidigaan ka tirsan Milan kama qeyb qaadan doono labadaas kulan madama aan lagu darin kooxda uu xushay Guus Hiddink dhaawac dartiis.

“De Jong waxaa loo saaray dhaawac muruqa ah” ayaa lagu yiri bogga twitter-ka warbixin lagu qoray, “Hiddink ayaana go’aansan doona xidiga badali doona”

Warkaan ayaa ah mid dhabar jab ah madama dhawaan la shaaciyay in xidiga Ajax Davy Klaassen uu dhaawac gumaarka ah uga haray xulka, iyadoo loo yeeray xidiga QPR Leroy Fer.

Ugu dambeyntii Holland ayaa tabtay Louis Van Gaal oo kaalinta sadexaad geeyay koobkii Aduunka lagu qabtay Brazil, waxeyna haatan isreeb-reebka Euro 2016, leeyihiin 3-dhibcood, sadex kulan oo ay ciyaareen. Laba guuldaro oo ay ka heleen Czeech Republic iyo Iceland ayaana aheyd mid aad loola yaabay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>