Xidiga khadka dhexe kooxda AC Milan kaga cayaaro Nigel de Jong ayaa difaacay macalinkiisa Pippo Inzaghi oo ay qaar ka mid ah saxaafada dalka Talyaaniga ku tilmaameen macalin aan u qalmin hogaaminta kooxdan faca weyn.
Milan kulankii ugu dambeeyay waxay guuldaro lama filaan ah 2-0 kala kulantay naadia Palermo midaasna waxay kooxdan ku abuurtay xasilooni daro iyo sidoo kale inay qaar ka mid ah taageerayaasha Milan kalsoonida kala laabtaan macalin Inzaghi.
Hadaba De Jong ayaa difaacay wuxuuna yiri “Qaladka Inzaghi ma ahan, si wadajir ah ayaan u guul dareesanay sidoo kalena si wadajir ah ayaan u guuleesanaa marwalbo”
“Milan shaqo badan ayaa u taalo ee ma ahan in macalinka eeda duusha looga tuuro dabcan hadii ay koox guuldaro ku dhacdo inta badan macalinka ayay dhaliisha qabataa sidaa darteed xaq ma ahan in Inzaghi oo dadaalayo in la niyad jebiyo!”
“Waa inaan isku diyaarinaa kulanka xiga oo aan la cayaari doono Sampadoria sabtiga nagu soo fool leh ee ma ahan inaan ku mashquulno hoos u dhaca kooxda soo wajahay”
Geeska kale Nigel de Jong ayaa la weydiiyay inuu Milan heshiis cusub u saxiixi doono dhamaadka xili cayaareedkan madaama qandaraaskiisa sii dhamaanayo wuxuuna ku jawaabay “Waa su’aal mudan in la weydiiyo Adriano Galliani ee aniga midaas kama jawaabi karo waa inaan kooxda caawiyee balse go’aan ka gaarista inaan Milan sii joogayo maamulka ayaa shaqo ku leh”