Home » Maxaa Cusub » Olivier Giroud “Arsenal Waxay Diyaar U Tahay Loolanka Horyaalka Inta Ka Harsan Xili Cayaareedkan”

Olivier Giroud “Arsenal Waxay Diyaar U Tahay Loolanka Horyaalka Inta Ka Harsan Xili Cayaareedkan”


Giroud (3)

Weeraryahanka haatan ugu wanaagsan Premiership-ka England Olivier Giroud sidoo kalena kulankiisii 5-aad oo xariir ah dhaliyay goolkii 6-aad ayaa saxaafada la hadlay kadib guushii weyneed oo ay kooxdiisa Arsnal ka heshay naadiga Liverpool.

“Si fiican ayaan uga badinay Liverpool waxaana cayaarnay kubad cadaadis badan ku dheehan haatana guud ahaan kooxda wey ku qanacsan tahay bandhigeena”

“Waxaan u faraxsanahay inaan xili muhiim ah sare u qaadnay kubadeena waayo xiligan oo kale Arsenal kaalinta 4-aad ayay u tartami jirtay sanadihii ugu dambeeyay”

“Balse haatan xaalka wuu isbadal waxaana dyaar u nahay loolanka horyaalka waayo sanadkan 2015 ma jirto koox la timid dhibcaha aan la imaanay ilaa haatan”

“Kulan walbo waa inaan guuleesanaa sidoo kalena aan isha ku heyno xaaladaha Chelsea iyo Man City madaama aan haatan diyaar u nahay inaan ka faa’iideesano hadii ay labadan koox markale inoo kufaan”

Olivier Giroud iyo kooxdiisa Arsenal kulakoodii ugu dambeeyay waxay 4-1 ku xaaqeen kooxda Liverpool ayagoo ka ciribtireen rajadii ay Reds ka qabtay kaalinta 4-aad xili cayaareedkan horyaalka England.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>