Home » Maxaa Cusub » Olivier Giroud Oo Dib Ugu Soo Laabtay Tababarka Kooxdiisa Arsenal

Olivier Giroud Oo Dib Ugu Soo Laabtay Tababarka Kooxdiisa Arsenal


Giroud

Weeraryahanka xula France Olivier Giroud ayaa si rasmi ah dib ugu soo laabtay xarunta tababarka kooxdiisa Arsenal.

Xidigan tan iyo bishii August ee isla sanadkan garoomada kama soo muuqanin wuxuuna dhaawac jab ah dhanka lugta kasoo gaaray kulankii Arsenal la cayaartay naadiga Everton.

28-jirkan tababar fudud ayuu bilaabay wuxuuna garoomada kusoo laaban rabaa xili ay kooxdiisa  u baahan tahay madaama xidigo badan Arsenal haatan dhaawac kaga maqan yihiin.

Suurta gal ma ahan in Olivier Giroud uu kursiga keydka soo fariisto kulanka 222-ka bishan Arsenal la cayaari doonto naadiga Man United balse waxaa macquul a in sida ugu dhaqsiyaha badan inuu dib ugu soo laabto garoomada la filaa.

Waxayna u badan tahay in bisha December ee nagu soo fool leh horaanteeda inuu kursiga keydka Arsenal soo fariisto.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>