Weeraryahanka kooxda Arsenal Olivier Giroud ayaa dhaawac uu soo gaaray xili uu ku gudajiray tababarka xulka qaranka Faransiiska.
Xidigaan heerka caalami ayaa dhaawac uu kasoo gaaray kubka isagoo ku guda jiray tababarka xulka maalintii shalay aheyd sida ay sheegtay RMC.
Sidoo kale warbixinada waxey sheegayaan in xidigaan la arkayay isagoo dhutinaya isla markaana awoodi waayay inuu garoonka ka baxo waxaana garoonka looga saaray baabuur si xaaladiisa loo eego.
Olivier Giroud ayaa kusoo bilowday kulankii ay Faransiiska guuldarada kala kulmeen Belgiumka ciyaar kusoo dhamaatay 4-3, balse daqiiqadii 80-aad ayaa la badalay.
Faransiiska waxey sabtida la ciyaari doonaan kulan saaxiibtinimo xulka Albania, Dechamps ayaana la rajeynayaa inuu xidigaan fasax siiyo si uu ugu laabto London.
Dhanka kale warbixinada waxey sheegayaan in dhaawacaan uusan Giroud ka carqaladeyn doonin kulamada fasaxa ah ee ay aadi doonto Arsenal.
Ugu dambeyntii Giroud ayaa xili ciyaareed qurux badan kooxdiisa la qaatay wuxuuna dhamaan tartamada oo dhan dhaliyay 19-gool.