Home » Maxaa Cusub » Oraahyadii Ugu Caansanaa Ee Laga Qoray Halyeey Thierry Henry Mudadiisa Kubada Cagta

Oraahyadii Ugu Caansanaa Ee Laga Qoray Halyeey Thierry Henry Mudadiisa Kubada Cagta


Henry

Sheekada Thierry Henry ma ahan mid dhamaaneyso mar hadii uu kubada cagta ka fariistay waxaa weli la hadal hayaa waxqabadkiisii aadka u sareeyay iyo sheeko walbo oo halyeegan la xariirto.

Sidaa darteed waxaan idiin heynaa 14-oraah oo hirgashay kuwaas oo laga qoray halyeegan, dabcaan oraahdan waxay dhiiri galin u noqon kartaa taageerayaasha Arsenal madaama laga soo xigtay laacibkii ugu wanaagsanaa ee ebid xirto maaliyada Gunners-ka.

Hadaba hoos kaga bogo oraahdii halyee Thierry Henry laga qoray intii uu kubada cagta kusoo dhex jiray:

 “Inaan haya weeraryahanka ugu wanaagsan Yurub ima noqoneyso dhiiri galin, kaliya inaan kooxdeyda guul ku caawiyo ayaa dhiiri galin ah hadafkeygana waa midaad oo kaliya.” 

“Waxaan jeclahay Highbury inuu noqdo darjiinka aan ku nasto marwalbo”

 “ Dadka waxay aniga maalin walbo ii hadal hayaan in ka badan hadal heynta masraxyada England la hadal haayo!

 “ Waxaan ahaya shaqsi aaminsan in kubada dhulka lagu cayaaro lana dajiyo kubada, waxana ahaya shaqsi nasiib badan madaama aan usoo cayaaray xulka France, Monaco, Arsenal iyo Barcelona oo dhamaan ka wada siman inay kubad isku dhiib ah cayaaraan, waan ogahay in siyaabo badan lagu guuleesan karo balse isku dhiibka kubada ayaan jeclahay”

 “Marnaba ma jirto qof diidayo koob inuu qaado hadii sanadka la qaadi karo 10-koob siyaar ayan u ahay inaan ku guuleesto, igama ahan cirweynin ama dhuuni nimo balse waa wax dabiici ah in qof walbo uu guusha jece; yahay!”

 “Marnaba kuma qanco waxa ii qabsoomay ee waxaan marwalbo ka fikiriaa wixii ii qabsoomi waayay si ay dhiiri galin iigu noqdan waxaana jeclahay inaan hiigsado marwalbo wixii aan ka gaabiyay”

 “Markii aan Premier League ku qaadnay garoonka White Hart Lane waxaana xasuustaa inaan ku dhahay Mauricio Tarricco, ma ogtahay hal dhibci hadii aan helno inaan horyaalka qaadi doono, dhamaan taageerayaasha Tottenham naxdin ayay u dhiman rabeen markii aan horyaalka garoonkooda ku qaadnay oo aan ku dabaal dagnay!”

 “Xiliyada aan gurigeyga joogo,weliba anigoo soo cayaaray kulan cajiib ah hadana kama fikiro wixii ii qabsoomay ee waxaan dib u eegi jiray wixii aan markaas ka gaabiyay oo aan qaban waayay.”

 “ Ka hor inta aan maaliyada Arsenal xiranin waxaan ka fikirin, dhaqanka England, taariikhda kooxda iyo dadka ku nool London, markii aan intaas fahmay kadib ayay sii uura gashay inaan Arsenal si sahlan kula qabado.

 “Waqti aan badneyn ayay igu qaatay inaan Arsenal la qabsado waayo kooxdan taageero ayaan u ahaay waana u ahaan doonaa.”

“Inta badan kubada gacanta ayaan guriga ku heesan jiray, waana ku cayaari jiray mararka qaar xaaskeyga ayaan ka careysiin jiray, balse hada kubada lugta ayaan ku cayaaraa waana ku faraxsanahay heerka aan ka gaaray.”

 “Waligey jaceel waali ah ayaan u qabay inaan kubada cagta taariikh ku yeesho halka Arsenal ay iyadana ahaan doonto hooska aan harsan doono waligey”

 “Kubada ayaan cuno ka dhigtaa, kubada ayaan la seexdaa, kubada ayaan ku neefsadaa, ma ihi qof waalin, balse waxaan ahay qof ku qafiifay kubada!”

 “Waxaan dhahay taageero Arsenal ayaan ahay, beena igama ahan nolosheyda oo idil Arsenal ayaan taageeri doonaa, waayo markii aad tahay taageero Arsenal waaligaa waad ahaan doontaa. Kooxdan qalbigeyga ayan ku jirtaa sidoo kalena qalbigeyga ayay baaqi ku ahaan doontaa inaan noolahay!!”

 

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

One Response to Oraahyadii Ugu Caansanaa Ee Laga Qoray Halyeey Thierry Henry Mudadiisa Kubada Cagta

  1. faarax gacan Reply

    18-December-2014 at 9:53 am

    waa runtii theiry henry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>