23-jirka kubada u qaabeeyo xulka Brazil iyo kooxda Chelsea Oscar ayaa markii ugu horeesay mustaqbalkiisa cayaareed xili siweyn loo hadal haayo inuu garoonka Stamford Bridge isaga hayaami doono.
Xidigan ayaa dhaawac ku seegay kulamadii ugu dambeeyay EPL xili cayaareedkii dhawaa iyo tartanka Copa America balse haatan tababarka kooxdiisa Chelsea ayuu dib ugu soo laabtay.
Asigoo ka hadlaayo mustaqbalkiisa cayaareed wuxuu yiri “Waan ku faraxsanahay ka mid ahaanshaha Chelsea sidoo kalena xili cayaareedkii hore heshiis cusub ayaan saxiixay si aan sanado badan uga sii mid ahaado”
“Waan jeclahay Chelsea waxaana doonayaa inaan sanado badan lasoii joogo mana doonayo inaan xagaagan isbadal sameeyo”
Chelsea xagaagan suuqa Yurub siweyn ayaa uga gaabsatay mana sameynin saxiixyo siweyn loo hadal haayo.
Balse Oscar ayaa ka dhawaajiyay in Radamel Falcao uu Chelsea wax weyn kusoo kordhin doono wuxuuna yiri “Qof walbo wuxuu rajeynayaa inuu arko Falcao oo soo bandhigaayo qaab cayaareedkii wanaagsanaa ee lagu yaqiinay”
“Sidoo kalena dhamaanteen waxaan aqoon weyn u leenahay inuu yahay cayaaryahan awood badan sidaa darteed kalsooni weyn ayaan ku qabaa inuu wax badan nagu soo kordhin karo”