Xidiga reer Morocco Oussama Assaidi ayaa si rasmi ah ugu biiray naadiga Al Ahli ee ka dhisan dalka Isku Taga Emirate-ka Carabta wuxuuna laacibkan dagaal dhanka afka ku qaaday kooxdiisii hore ee Liverpool.
Oussama Assaidi ayaa ka tirsanaa mudo sedex sano ah kooxda Liverpool balse marnaba ma uusan helin laacibkan fursad uu garoonka Anfield uga dhex muuqdo.
Waxayna Liverpool xili cayaaredkii hore amaah ku siisay naadiga Stoke City oo u bandhig wanaagsan ka dhex muujiyay, balse ugu dambeyntii asigoo kooxda Stoke amaah kula joogo ayuu u tilaabay Bariga dhexe si uu mustaqbalkiisa cayaareed uga sii wato.
“Al Ahli waxay ka mid tahay kooxaha ugu weyn dalka Emirate-ka waxayna ii tahay sharaf inaan u cayaaro koox sidaan u weyn”
“Markii aan Liverpool joogay ma aanan helin fursad aan ku cayaaro, waxay ahayd go’aan qaldan oo aan ku doortay Liverpool markii hore”
“Mararka qaar xiligii aan Liverpool u cayaari jiray qaab cayaareedkeyga ma xumeyn, balse kooxaha reer England waxaa dabeecad ka ah inay marwalbo cayaartooy cusub soo iibsadaan, waxaana u maleynaa halka uu qaladka ka jiro inay dhankaas tahay”
“Madaama aysan jirin fursad lagu siinayo ama waqto kuu filan oo aan kooxda kula qabsatid”
Ugu dambeyntii Oussama Assaidi ayaa u mahad celiyay kooxda Stoke City oo uu mudo sanad ah amaah kula joogay “Aadban uga mahad celinaa waqtigii wacnaa ee aan kooxda Stoke la qaatay haatana waxaan rajeynaa inaan waqti wacan la qaato kooxdeyda cusub Al Ahli”