Xiriirka kubada cagta England (FA) ayaa ganaax culus garka u galiyeen weeraryahanka kooxda New Castle iyo xulka Senegal Papiss Cisse kadib markii xidigan lagu helay inuu candhuuf ku tufay daafaca Man United Jonne Evans.
Cisse ayaa aqbalay inuu ficilkan ku kacay kadib markii dareenkiisa xakameyn waayay kulan New Castle iyo Man Unted ku wada cayaareen garoonka Saint James Park.
Inkastoo Cisse uu ku andacooday in markii hore isaga qalad la galay hadana falka uu ku kacay ayaa ka baxsa kubada cagta waxaana lagu ganaaxay 7-kulan inuusan kooxdiisa New Castle u cayaaari karin.
FA-ga ayaa haatan ka warsugaayeen daafaca Man United Evans isagana inuu aqbalo qaladka uu galo hadii uu kasoo jawaabi waayo ilaa maanta galinka dambe isagana daafacan ganaax adag ayaa garka loo galin doonaa madaama uu dhankiisa isagana Cisse kula kacay fal kubada cagta ka baxsan.
Hadaba Cisse wuxuu kooxdiisa New Castle ka maqnaan doonaa kulamada hoos ku xusan:
Everton (a), March 15
Arsenal (h), March 21
Sunderland (a), April 5
Liverpool (a), April 13
Tottenham (h), April 19
Swansea (h), April 25
Leicester (a), May 2