Kooxda Paris saint Germain ayaa dooneysa iney soo dhameyso saxiixa Angel Di Maria isbuucaan dhexdiisa iyadoo xidigaan heerka caalami uu dhawaan tagi doono dalka Mareykanka madama uu fasaxiisa u idlaaday.
Di Maria wuxuu sanadii lasoo dhaafay 59.7 Malyan Oo Pound ku yimid Old Trafford isagoo noqday saxiixii ugu qaalisanee ebid ay sameyso koox ka dhisan Britain, balse xili ciyaareed fiican lama qaadan kooxdiisa madama uusan bandhig wanaagsan sameynin.
Haatan kooxaha PSG iyo Man United ayaa ka heshiiyay arinta Di Maria iyadoo xidigaan reer Argentina uu kooxda difaacaneysa horyaalka Faransiiska ugu wareegi doono 45 Malyan Oo Pound taasoo ka dhigan in United ay qasaartay in ka badan 10 Malyan Oo Pound.
Si kastaba Paris Saint Germain waxey dooneysaa iney todobaadkaan dib uga soo noqoto safarkii ay ku aaday mareykanka iyadoo Di Maria uu ka mid yahay xidigaha kooxda.
Mirror ayaa shaacisay arinkaan iyadoo hadal heynta ugu badan ay tahay in Pedro Rodriguez uu noqon doono badalka xidigaan heerka caalami.