Home » Maxaa Cusub » Paris Saint Germain Oo Lacagaha Lagu Heli Karo Marco Verratti Ku Wargalisay Arsenal

Paris Saint Germain Oo Lacagaha Lagu Heli Karo Marco Verratti Ku Wargalisay Arsenal


Marco Verrati

Kooxda faransiiska ka dhisan ee Paris Siant Germain ayaa ku wargalisay dhigeeda Arsenal qiimaha ay ku heli karto kubad sameeyaha reer Italy Marco Verratti.

22-jirkaan jooga gaaban aaya kusoo biiray Paris Saint Germin July 2012, isagoo kaga yimid kooxda Pescara ee haatan fadhisa heerka labaad dalka talyaaniga.

Marco Verratti oo dhawaan heshiis cusub u saxiixay PSG ayaa la hadal hayaa inuu isaga hayaaami doono garoonka Parc des Princes.

Si Kastaba Daily Star ayaa qirtay in Arsenal loo sheegay qiimo dhan 40 Malyan Oo Pound iney bixiso hadii ay dooneyso saxiixa Verratti.

Ugu dambeyntii V erratti ayaa ka mid ah kubad sameeyayaasha da’da yar ee aadka loogu amaano ka ciyaarista khadka dhexe isagoo u saftay PSG 76-kulan.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>