Home » Maxaa Cusub » Pato Oo Dooanyo Inuu Bisha Janaayo Premiership-ka England Usoo Dhaqaaqo

Pato Oo Dooanyo Inuu Bisha Janaayo Premiership-ka England Usoo Dhaqaaqo


Pato..

Weeraryahankii hore ee kooxda AC Milan Alexandre Pato ayaa doonayo inuu dib ugu soo laabto qaarada Yurub horaanta sanadka cusub balse markan Premiership-ka England inuu ka cayaaro ayuu qorshihiisa yahay.

Pato oo haatan ka tirsan kooxd Sao Paulo ayaa ka dhawaajiyay inuu haatan caafimaa qabo sidoo kalena kasoo kabtay dhaawacyadii mustaqbalkiisa cayaareed ragaadiyeen wuxuuna diyaar u yahay inuu ka jawaabo dalabyada ay usoo direen qaar ka mid ah kooxaha reer England.

Xidigan waxaa milkiyadiisa iska leh naadiga Corinthians balse haatan Sao Paulo ayuu amaah kula jogaa waxayna kooxdiisa Corinthians ka dhawaajisay inay ka iibin doonto naadigii la timaado €15 million.

Sidoo kale wakiilka 25-jirkan Nicola Guiliani ayaa sheegay in maal mihii ugu dambeeyay ay lasoo xariireen kooxaha Arsenal, Tottenham West Ham iyo New Castle oo dhamaantood doonayaan saxiixa Pato sidaa darteed waxaa loo badinaa weeraryahankan tayada wanaagsan inuu bisha Janaayo dib ugu soo laaban doono qaarada Yurub.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>