Ruug cadaaga kooxda Juventus Patrice Evra kubada cagta heerkii ugu sareeyay ayuu ka gaaray wuxuuna guulo taariikhi ah la qeebsaday naadiga Man United haatana wuxuu ku jiraa d’adii garoomada lagu faarujin lahaa.
Patrice Evra wuxuu ka mid yahay daafacyada ugu wanaagsan qaarada Yurub sidoo kalena kubada cagta sumcad balaaran ayuu ku leeyahay wuxuuna xidigan ku rajo weyn yahay inuu xili cayaareedkan kooxdiisa Juve la qeebsado guulo taariikhi ah.
Balse maanta waxaan si gaar ah u gurfeyn doonaa noloshiisa gaarka ah oo aan wax badan laga ogeyn, fadlan hoos kaga bogo:
Patrice Evra nolosha kali kuma ahan wuxuuna wheel ka helaa xaaskiisa Sandra Evra, labadan lamaane mudo 15-sano ah ayuu xiriir ka dhaxeeyay waxayna si rasmi ah u wada aqal galeyn July 7, 2007.
Sandra iyo Patrice waa qoys dhameestiran madaama ay u joogaan labo caruur ah wiilkooda curudka ah waa 8-jir waxaana lagu magacaabaa Lenny Evra sidoo kalena dhawaan labadan lamaane waxaa u dhalatay gabar qurux badan oo haatan 1-sano jirto waxaana lagu magacaabaa Maona.
Sandra iyo Patrice haatan waxay ku wada nool yihiin magaalada Turin ee dalka France madaama uu xidigan xagaagii aan kasoo gudubnay kooxda Juventus uu ku biiray.
Patrice Evra ayaa ah shaqsi luqad yaqaan ah madaama uu ku hadli karo ugu yaraan 5-luqadood oo kala ah French, English, Italian, Spanish iyo Portuguese sidoo kalena daafacan wuxuu isku dayay inuu barto luqada Korea looga hadlo si ay u wada xariiraan saaxiibkiisii hore Park Ji-Sung oo ay Man United wada joogi jireen!