Kubad bur buriyaha xulka Frane Paul Pogba ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegayo in isaga iyo saaxiibkiisa Patrice Evra ay wada murmeen kulankii France 2-1 guusha kaga qaateen xulka Portugal.
Pogba ayaa ka xun in saxaafada ay ka baahisay hadal aan xaqiiq ahayn wuxuuna yiri “Waxaan rabay inaan kubada ceshto oo aan xeelad sameeyo balse nasiib daro waan sibxaday kadib waxaa i dul yimid Evra wuu i canaantay balse waxay ahayd mid dhiiri galin ku dheehan!”
“Ma jirin wax muran ah oo na dhex maray waayo marwalbo Evra waxaan la mid dhigaa Adeerkey oo kale sidoo kalena xiriirkeena waa mid aad u wanaagsan madaama aan marwalbo jeclahay inaan taladiisa qaato”
Pogba iyo Evra labaduba waxay ka wada haayaameen kooxda Man United haatana waxay ka wada tirsan yihiin naadiga Juventus sidaa darteed Pogba ayaan rabin saxaafada ay ka baahiso hadal aan jirin.
Labadan xidig waxay habeenka Taladaada ah wajihi doonaan ayagoo xiran maaliyada xulka France dhigooda Armenia cayaar saaxiibtinimo.