Paul Pogba ayaa iska diiday malaayiin lacago ah oo uu ka heli lahaa Manchester City hadii uu ku biiro isagoo ka doortay kooxda Barcelona.
Wiilkaan reer France ee ciyaaraya finalkiisii ugu horeeyay taariikhda koobka horyaalada yurub ee Champions League-ga aya noqday mid ka mid ah xidigaha ugu hadal heynta badan suuqa kala iibsiga ciyaartoyda madama uu awood dheeri ah lasoo baxay tan iyo markii uu Juve kusoo biiray sanadii 2012.
Barcelona uma suuragaleyso iney haatan la saxiixato Pogba madama uu ganaax ka saaran yahay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda wuxuuna ka dagi doonaa January 2016, balse Pogba ayaaba diyaar u ah inuu sugo Barca 12-bilood si uu ugu biiro.
Starsports ayaa qirtay in xidigii hore Manchester United uusan dooneyn inuu dib ugu laabto kubada cagta Ingiriiska oo taariikhdiisa baal mugdi ah ay uga qoran tahay.
Ilo ku dhaw Starspors ayaa qiray in Paul Pogba uu saaxiibadiis u sheegay in kooxda kaliya uu jecel yahay ay tahay Barcelona.
Ugu dambeyntiina 22-jirkaan heerka caalami ee xulka faransiiska waxaa sidoo kale doonaya kooxaha PSG, Chelsea, Man United iyo Real Madrid.