Paul Pogba ayaa kalsooni ku qaba inuu dabooli karo booskiisa uu kooxda Juventus kaga ciyaari jiray Arturo Vidal isla markaana uu diyaar u yahay inuu muujiyo hormarka uu sameeyay mudadii uu ku sugnaa Turin.
Juventus ayaa Arturo Vidal ka iibisay Bayern Munich, sidoo kalana Andrea Pirlo ayaa si xor ah ugu biiray kooxda New York City ee dalka mareykanka taasoo ka dhigan in laba xidig oo halyeeyo ah ay ka huleeleen koxoda Marwada duqda ah.
“Waxaan luminay ciyaartoy muhiim ah” ayuu wiilka reer France u sheegay La Gazzetta dello Sport, “Balse kuwa kale ayaa yimid kooxda oo leh qibradooda”
“Si kastaba waxaa nahay Juventus waa inaan mar walba si wanaagsan u ciyaarno”
Dhanka kale Paul Pogba ayaa la weydiiyay hadii uu kasoo bixi karo ama ka helo booska uu Arturo Vidal u ciyaari jiray Juventus ee burburiyaha shaqada badan ah.
“Diyaar ayaan u ahay inaan shaqadaas qabto hadii macalinka uu i weydiisto, si kooxda u wanaagsanaato”
“Sidoo kale aniga waxaan ku wanaagsanahay inaan ciyaaro booska 10-aad ee ka dambeeya labada weerar, balse waan arki doonaa wixii dhaca”
“Miyaan goolal u dhalin karaa sida Vidal? maxaa dhacay? waan sameyn karaa waan rajeynayaa”
“Wax badan ayaan ka bartay Vidal iyo Pirlo, waana laba xidig oo waaweyn”
“Hatan waa inaan sameeyo wixii ay i bareen isla markaana aan tusiyo inaan hormar sameeyay”
“Carlos Tevez ayaa baxay, balse waxaan helnay ciyaartoy badalkiisa ah”
“Kooxda hoos uma dhici doonto waayo waxaan helnay Mario Mandzukic iyo Sami Khedira kuwaas oo ah ciyaartoy marnaba fureyaal ah”
Ugu dambeyntiina Paul Pogba ayaa sheegay in isbadal uu imaanayo marka ciyaartoy baxaan kuwa kalana yimaadan, balse wuxuu ku kalsoon yahay in Juve ay wax fiican sameyn doonto xagaagan.