Kubad sameeyaha da’da yar ee xulka Faransiiska iyo kooxda Juventus Paul Pogba ayaa shaaca ka qaaday inuu leeyahay hami uu ka qabo noqoshada xidiga ugu wanaagsan dunida.
Paul wuxuu Juventus ka caawiyay iney ku guuleysato laba jeer iney ku guuleysaton horyaalka talyaaniga tan iyo markii uu Man United kaga soo biiray 2012, wuxuuna noqday mid ka mid ah xidigaha udub dhexaadka u ah kooxdiisa iyo xulka Faransiiska.
Paul Pogba oo matalay xulka France koobkii Aduunka ee lagu qabtay Brazil sanadkaan ayaa muteystay in loo magacaabo da’yarka ugu fiicnaa tartanka markii uu muujiyay waxqabad aad loogu riyaaqay inkastoo xulkiisa lagu reebay Quater Finalka tartanka markii ay guuldaro 1-0 ah kala kulmeen xulka Jarmalka.
“Aad baan ugu faraxsanahay inaan helo abaalmarintaas, waxeyna ii tahay sharaf inaan ciyaaro koobka Aduunka” Ayuu yiri Paul Pogba oo la hadlayay FIFA.com arbacadii.
“Ma saadaalin karo waxa dhici kara mustaqbalka, balse waxaan isku dayi doonaa inaan horay usii wado ku guuleysiga koobab badan” ayuu mar kale yiri.
“Si adag ayaan u shaqeyn doonaa, hamigeyga waa inaan noqdo xidiga ugu wanaagsan Dunida”
Dhanka kale Paul Pogba heshiiska uu kula jiro kooxdiisa wuxuu dhacayaa 2016, waxaana lala xiriirinayaa kooxaha lacagaha badan leh ee Paris Saint Germain, Real Madrid, Man United, Man City & Chelsea kuwaas oo dhamaantood xiiseynaya saxiixiisa.
Ugu dambeyntii Juventus ayaa xidigeeda wadahadal kula jirta iyadoo dooneysa iney ka saxiixdo heshiis waqti dheer ah si ay xidigaan tayada wanaagsan ugu sii heysto horyaalka Serie A-da.