Home » Maxaa Cusub » Paul Scholes “Goolhaye De Gae Ma Ahan Shaqsi Dadaal Badan”

Paul Scholes “Goolhaye De Gae Ma Ahan Shaqsi Dadaal Badan”


David-de-Gea

Halyeegii hore ee kooxda Man United Paul Scholes ayaa markan ushiisa kala dul dhacay goolhayaha kowaad ee kooxda Man United David De Gae wuxuuan ku tilmaamay shaqsi aan dadaal badneyn sidoo kalena jecleyn inuu si adag u shaqeeyo.

Inkastoo De Gae haatan uu ka mid yahay xidigaha ugu muhiimsan Man United hadana Scholes laacibkan ma jeclo madaama uu dhaliil gaar usoo jeediyay.

“David ma ahan jir ahaan shaqsi diyaarsan sidoo kalena ma jeclo inuu shaqo badan qabto waxa intaas usii dheer inuu yahay caajislow!”

“Waa run in kulankii Everton uu Man United guul u hiorseeday sidoo kalena tayo ahaan ma xumo balse ma ahan laacib jecel inuu dhib badan maro ama shaqo adag qabto sidaa darteed heerkisa wanaagsan ma ahan mid sii waarayo hadii uusan isbadal adag la imaanin”

Inkastoo Scholes uu dhaliil usoo jeediyay goolhaye De Gae hadan xidigan u dhashay dalka Spain waxaa saxiixiisa ku raad joogto kooxda Real Marid oo sheegtay inay badalka Casillas galin doonto sidaa darteed hadalka kasoo yeeray Scholes maku qasbi doonaa De Gae inuu garoonka Old Trafford isaga tago!

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>