Halyeegii hore ee xulka England iyo kooxda Man United Paul Scholes ayaa markan afka kala furtay wuxuuna ka dhawaajiyay in Lionel Messi uu yahay cayaaryahankii ugu wanaagsanaa ee uu ebid garoon la galay.
Paul Scholes ayaa Messi ka sara marsiiyay Cristiano Ronaldo oo ay saaxiibo yihiin sidoo kalena ay sanado badan kooxda Man United ka wada tirsanaayeen.
Paul Scholes oo ka hadlaayo darajada sare ee uu gaarsiiyay Messi wuxuu yiri “Intii aan kubada cagta kusoo dhex jiray xidigaha aduunka ugu wanaagsan ayaan garoon la galay sida Eric Cantona, Zinedine Zidane, Pirlo, Xavi, Cristiano Ronaldo”
“Balse dhamaantooda Messi ayaa ka sareeyo mana jiro xidig la mid ah oo aan ebid garoo la galay waana laacib mucjiso ah”
Scholes 4-jeer oo kala duwan ayuu Messi garoon kaga hor yimid wuxuuna halyeegan sheegay inaan Messi marnaba la gaari karin.
40-jirkan ayaa dhanka kale kooxda Juventus kula taliyay inay dul qaad muujiyaan sidoo kalena aysan isku dayin inay Barcelona kubada la qeebsadaan.
Wuxuuna ku booriyay inay aragti dheeraad ah la imaadaan iyo feejignaan sareyso hadii ay doonayaan inay ku guuleestaan koobka horyaalada Yurub.