Agaasimaha kooxda Juventus Pavel Nedved ayaa markii ugu horeysay ka dhawaajiyay in kooxdiisa ay heshay dalab lagu doonayo Paul Pogba oo ka mid ah xidigaha ugu muhiimsan kooxda ka dhisan magaalada Turin.
Wiilkaan reer France ayaa noqday mid ka mid ah xidigaha khadka dhexe ugu wanaagsan tan iyo markii uu si xor ah ku yimid Juventus sanadii 2012, sidoo kale Paul haatan waa mid ka mid ah xidigaha loogu hadal heynta badan yahay suuqa kala iibsiga.
Sida uu ka dhawaajiyay Pavel Nedved kooxda Paris Saint Germain ayaa dalab rasmi ah usoo gudbisay Juventus iyadoo dooneysa Paul Pogba inkastoo sidoo kale kooxaha: Man United, Man City, Chelsea, Arsenal, Barcelona iyo Real Madrid xidigaan saf ugu jiraan.
“Haa, PSG ayaa noo soo dirtay dalab” Ayuu yiri Pavel Nedved.
“Balse Paris kaliy maahan kooxaha xiiseynaya xidigaan Real Madrid iyo Barcelona ayaa ka mid ah” Ayuu yiri Pavel.
Si kastaba ha ahaatee Pogba waxaa haatan lagu qiimeeyaa 100 Malyan Oo Euro sida uu ka dhawaajiyay wakiilkiisa Mino Riola.