Home » Maxaa Cusub » Pedro Oo Diyaar U Ah Ku Biiritaanka Man United Iyo Saxiixa Xidigan Oo Todobaadkan Gudahiisa La Dhameyn Doono

Pedro Oo Diyaar U Ah Ku Biiritaanka Man United Iyo Saxiixa Xidigan Oo Todobaadkan Gudahiisa La Dhameyn Doono


Pedro

Wargeska Marca ayaa si rasmi ah u baahiyay in xidiga xulka Spain ka tirsan Pedro Rodriguez uu aqbalay inuu naadiga Man United ku biiro.

Man United ayaa wada hadalo rasmi ah dhigeeda Barcelona la wado waxayna saxiixa weeraryahankan soo gaba gabeyn doontaa todobaadkan gudahiisa.

Man United waxay ugu tala gashay saxiixa Pedro qiimo u dhaxeeyo £18M ilaaa £20M waana qiimaha ay kooxda Barcelona xidigan ku sheegtay in heshiiska cusub ee uu dhawaan saxiixay lagu jebin karo.

Macalin Luis Ernrique ma xiiseenayo in Pedro uu garoonka Camp Nou isaga hayaamo balse xidigan rabitaankiisa ayaa ka weyn.

Wuxuuna balan qaad ka heestaa maamulka Barcelona oo fasixi doonaan waayo Pedro qorshiisa ugu weyn wuxuu yahay xili cayaareedka cusub inuu si joogto ah u cayaaro si uu sanadka 2016 kala qayb qaato xulkiisa Spain tartanka Euro 2016.

Pedro labo todobaad ka hor waxaa siweyn loo hadal haayay inuu naadiga Chelsea ku biiri rabo balse arinkaas ma suura galin haatana wuxu boorsadiisa u xir xiranaa garoonka Old Trafford madaama uu balan qaad boos joogto ah ka helay macalin Luis Van Gaal.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>