Barcelona ayaa heshiis la gaartay Pedro Rodriguez si uu heshiis cusub oo gaaraya ilaa sanadka 2019 u saxiixo kooxda ka dhisan garoonka Camp Nou, balse ogow in heshiiska xidigaan lagu jabin karo 150 Malyan Oo Euro hadii heshiiskaan uu qabsoomo.
27-jirkaan reer Spain heshiiska uu haatan kula jiro kooxda Barcelona wuxuu dhacayaa June 2016, waxaana maalmihii ugu dambeeyay lala xiriirinayay inuu ka dhaqaaqi doono kooxda madama uusan helin boos joogto ah.
Si kastaba Pedro ayaa go’aansaday inuu mustaqbalkiisa kala hadlo Barcelona wuxuuna heshiis sadex sano dheeraad ah ku kordhin doonaa heshiiska uu haatan Barcelona kula jiro maalmaha soo aadan.
Pedro Rodriguez oo ka mid ah wiilasha kasoo qalin jabiyay kuleejka La Masia ee caanka ah ayaa waayahiisa Barcelona bilaabay ee kooxda waaweyn xili ciyaareedkii 2008-2009 wuxuuna u saftay kooxdaan in ka badan 300 kulan.
Pedro wuxuu kula guuleystay Barcelona shan horyaal oo La Liga ah, Champions League iyo Fifa Club World Cup oo min laba jeer ah iyo sidoo kale Copa del Rey sadex jeer.
Ugu dambeyntii garabkaan wuxuu xagaagan dhaliyay 11-gool kaliya isagoo saftay dhamaan tartamada oo dhan 49-kulan, balse safka hore ee Luis Enrique wuxuu kaliya noqday 22-kulan.