Home » Horyaalada » La Liga Spain » Pedro Rodriguez Oo Doonaya Inuu Heshiiska U Kordhiyo Kooxdiisa Barcelona

Pedro Rodriguez Oo Doonaya Inuu Heshiiska U Kordhiyo Kooxdiisa Barcelona


Pedro..

Xidiga Bartilmaameedka u ah kooxda Arsenal Pedro Rodriguez ayaa doonaya inuu kooxdiisa qandaraas cusub u saxiixo xili xidigaan lala xiriirinayay inuu horyaalka Premier League usoo dhaqaaqi doono.

Isbuucaan gudahiisa ayey aheyd markii daaha laga qaaday in tababare Wenger uu isku dayay inuu soo qaato Pedro ka hor Alexis Sanchez, inkastoo xidigaan reer Spain uu iska diiday ugu dambeyn inuu ku biiro Gunners taasoo qasabtay in Sanchez uu lasoo saxiixdo.

Inkastoo xidiga heerka caalami uu kursiga keydka kaga jiro kooxda Luis Enrique, hadana xidigaan wuxuu doorbidayaa inuu qandaraaska u kordhiyo kooxdiisa Barcelona.

Heshiiska uu Pedro kula jiro kooxda Barcelona wuxuu dhamaanayaa 2016, waxaana kaga haray wax ka yar laba sanadood oo kaamil ah.

Xaalada xidigaan ayaa sii hurtay kadib imaatinka Suarez kaas oo aan kooxda wali u safan tartan caalami ah, balse wuxuu bishaan dhamaadkeeda ayuu garoomada u gali doonaa kooxdiisa sidaas oo ay tahay wali jaceylkiisa kooxda ma dhamaan wuxuuna doonayaa inuu lasii joogo.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>