Home » Maxaa Cusub » Pedro Rodriguez Oo Qoyskiisa Iyo Asxaabtiisa Dhaw U Sheegay Inuu Ku Biirayo Kooxda Man United

Pedro Rodriguez Oo Qoyskiisa Iyo Asxaabtiisa Dhaw U Sheegay Inuu Ku Biirayo Kooxda Man United


Pedro

Sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya Spain xidiga bartilmaameedka u ah Manchester United Pedro Rodriguez ayaa asxaabtiisa iyo qoyskiisa u sheegay inuu ku biirayo kooxda ka dhisan Old Trafford xagaagan.

Express ayaa shaaca ka qaaday in Pedro uu heshiis hordhac ah la gaaray Man United waxeyna kooxdaan diyaar u tahay iney bixiso lacagaha lagu jabin karo heshiiska xidigaan oo gaaraya 22 Malyan Oo Pound.

Louis Van Gaal ayaa u arka badalka Angel Di Maria oo u arka xidigaan reer Spain ee Pedro waxaana la filayaa inuu Old Trafford yimaado dhawaan.

Sida ay qabaan dad badan oo u dhuun duleela kubada cagta Pedro Rodriguez ayaa kaga fiicnaan kara Di Maria marka ay noqoto in lala qabsado Premier League-ga.

Dhanka kale Barcelona ayaa durba u dhaqaaqday badalka Pedro Rodriguez waxeyna u aragtaa xidiga Celta Vigo ee la yiraahdo Nilto.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>