Tababaraha kooxda Manchester City Manuel Pellegrini ayaa xaqiijiyay in Fabian Delph laga reebay kooxda City Ee u duuleysa Hanoi si ay kulan saaxiibtinimo ula soo ciyaaraan Xulka qaranka Vietnam kadib markii xidigaan dhaawac dhanka muruqa ah uu soo gaaray.
Delph ayaa nasiib daro la kowsaday waayahiisii ugu horeeyay Manchester City kadib markii dhaawac looga saaray kulankii Real Madrid oo u ahaa kii ugu horeeyay.
Kabtankii hore Aston Villa ayaa 8 Malyan Oo Pound ugu biiray Man City dhawaan, waxaana loo xiray numberka 18-aad iyadoo haatan la hubo inuu Ingiriiska dib ugu laaban doono.
“Fabian wuxuu jogaa Australia iyadoo dhaqaatiirta ay sheegeen ineysan u wanaagsanen inuu u safro Hanoi, 48-saac ee soo aadan wuxuu ku laaban doonaa Ingiriiska”
Sidoo kale Pellegrini ayaa sheegay in dhibaatooyin yaryar qabaan Sterling iyo Hart, balse ay u ciyaari doonaan sida ugu wanaagsan.
Ugu dambeynti8i City ayaa qasaaro xoog leh kala kulantay Real Madrid kulankii ugu dambeeyay kadib markii 4-1 lagu xaaqay.