43-jirka reer Spain guushana saaxiibka la Pep Guardiola ayaa ka dhawaajiyay in sanadkan kooxdiisa ay dhan walbo ka dheeli tiran tahay sidoo kalena uu aad ugu qanacsan yahay waxa kooxdiisa u qabsoomay tan iyo markii uu xili cayaareedkan bilaawday.
Bayern Munich haatan 27-dhibcood ayay leedahay Bundesligaha Jarmalka 11-kulan oo ay cayaartay waxayna 4-dhibcood ka sareysaa naadiga Wolfsburg oo kaalinta labaad ku jirto sidoo kalena Bayern wareega 16-aad ee Champion-ka ayay u gudubtay madaama ay 12-dhibcood leedahay.
“Bayern hormar aad u wanaagsan ayay xili cayaareedkan sameesay inkastoo ay dhaawacyo badan jiraan hadana waxaan oran karaa kooxdii aan u baahnaa hada ayaan gacanta ku haayaa”
“Dhamaan xidigaha kooxdeyda shaqo adag ayay wada hayaan sidoo kalena sanadkan waxaan la dhacsanahay hormarka aan dhan walbo ka sameenay Bundesligaha iyo koobka Yurub”
Pep Guardiola iyo kooxdiisa Bayern waxay 22-ka bishan kulankooda ugu soo horeeyo Bundesligaha la cayaari doonaan naadiga Hoffenheim oo haatan kaalinta 5-aad horyaalka Jarmalka kaga jirto hadaba macalinkan ayaa doonayo in kooxdiisa ay sanadkan ku dhameesato safka hore ee Bundesligaha Jarmalka madaama wareega hore dhamaadkiisa ka harsan tahay 6-kulan oo qura.