Iyadoo ay jireen warar badan oo ka imaanaya warbaahinta Ingiriiska kuwaas oo Pep Guardiola la xiriirinaya shaqada kooxda Manchester City, hadana macalinkaan reer Spain ayaa ka hadlay arimahaas.
Pep Guardiola oo xagaagii 2013 qabtay Bayern Munich ayaa ku jira liis ka kooban sadex macalin kuwaas oo la sheegay iney shaqada tababranimo ee Man City ka badali doonaan Manuel Pellegrini oo u muuqda mid aan kasoo bixin shaqadii loo dhiibtay.
Heshiiska uu Guardiola kula jiro kooxda ka dhisan Allianza Arena ayaa ku eg June 2016, wuxuuna qiray inuu ku faraxsan yahay shaqadiisa kooxda Manchester City.
“Waan ku faraxsanahay halkaan, waxaan rabaa inaan xushmeeyo heshiiskeyga isla markaana si fiican u qabsado shaqadeyda, dhamaan waxyaabahaas ayaana haatan ku farakayaa oo kaliya”
“Waxaan joogi karaa kooxdaan shan ilaa lix sanadood, tanina waxey ku xiran tahay ciyaartoyda, sababtoo ma ahi qofka ugu muhiimsan ee kooxda”
Ugu dambeyntii Manchester City ayuusan warkaan farxad u aheyn madama Guardiola uu ka mid yahay macalimiinta ay aadka u baadi goobeyso.