Home » Horyaalada » La Liga Spain » Pep Guardiola Oo Aaminsan In Luis Enrique Uu Barelona Guulo U Horseedi Doono

Pep Guardiola Oo Aaminsan In Luis Enrique Uu Barelona Guulo U Horseedi Doono


Lucho-Pep

Inkastoo haatan aragti ahaan lagu kala qeybsan yahay in macalin Luis Enrique uu wadada saxda ah kooxda Barcelona ku hogaamin karo hadana tababare Pep Guardiola aa taageero buuxdo la garab istaagan macalinka haatan cadaadiska saaran yahay.

Wuxuuna Pep Guardiola aaminsan yahay in macalinkan aan waya araga ahan uu Barcelona guulo u horseedi doono wuxuuna yiri “Wax walbo waqti ayay u baahan yihiin balse waxaan hubaa in Luis Enrique uu Barcelona guulo u horseedi doono”

“Kubada cagta waxay u baahan tahay habsimi u socod xasiloon waayo horyaalka lama qaado bisha November ee bisha May ayaa lagu guuleestaa sidaa dartee kulamaa uu xili cayaareedka sii socdo kulamaa ay Barcelona isla sii qabsan doonto”

“Waxaan aaminsanahay in Enrique uu yahay tababaraha saxda ah ee ku haboon hogaaminta Barcelona waxaana rajeynaa inaan Barcalona isku aadin koobka horyaalada Yurub!”

Kooxaha Barcelona iyo Bayern Munich oo uu Pep hogaamiyo haatan waxay usoo gudbeen wareega 16-aad ee Champion-ka sidaa darteed macalinka reer Spain ma doonayo inay isku aadaan kooxdiisii hore xili cayaareedkan tartanka Yurub.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>