Tababaraha kooxda Bayern Munich Pep Guardiola ayaa jeclaan lahaa inuu maalin uun maamulo kooxda ugu guulaha badan horyaalka Ingiriiska ee Manchester United.
Pep Guardiola ayaa buugiisa cusub oo uu kaga hadlayo noloshiisa Bundesliga ku qeexay inuu jeclaan lahaa inuu mar maamulo kooxda Manchester United waayahiisa kubada cagta.
Pep Guardiola ayaa la hadal hayay inuu badal u noqdo Fergu7son 2013, iyadoo tababare Fargie uu si maldahan uga codsaday Guardiola inuu ka badalo shaqada kooxda balse macalinkaan reer Spain ayaan fahmin inkastoo uu gadaal ka fahmay markii uu qabtay shaqada kooxda Bayern Munich.
Si Kastaba Pep Guardiola ayaa heshiis kula jira Bayern Munich ilaa 2016.