Home » Maxaa Cusub » Pep Guardiola Oo Heshiis La Gaaray Kooxda Man City Asigoo Xagaaga Dambe Imaan Doono Garoonka Etihad

Pep Guardiola Oo Heshiis La Gaaray Kooxda Man City Asigoo Xagaaga Dambe Imaan Doono Garoonka Etihad


Pellegrini and Guardiola

Shabakada beIN SPORT ayaa si rasmi ah u sheegtay in macalin Pep Guardiola uu heshiis la gaaray kooxda Man City kana hawl gali doono Premiership-ka England xili cayaareedka dambe.

Macalin Guardiola oo haatan hogaamiyo kooxda Bayern Munich ayaa dhameesan doono qandaraaskiisa halka sano ee kaga harsan heshiiska Bayern kadibna Man City ayuu si rasmi ah ula wareegi doonaa.

Warbixintan ayaa lagu sheegay in Pep Guardiola uu maamulka Man City kula heshiiyay in awooda kooxdan isaga gacanta loo galiyo xagaaga dambe madaama uu doonayo in go’aamadiisa iyo falsafadiisa si dhameestiran garoonka Etihad kaga hirgasho.

Dhanka kooxda Bayern Munich aqbaartan kama hadlin balse waa arin ay filaayeen madaama uu Guardiola horey kaga aamusay heshiis cusub oo ay maamulka kooxda reer Jarmal usoo bandhigeen.

Macalin Guardiola wuxuu hogaanka kala wareegi doonaa tababare Manuel Pelligrini oo fursad 12-bilood dheeri ah maamulka Man City ka helay.

Pelligrini hogaanka City isaga ayaa sii heyn doono xili cayaareedka cusub 2015/16 balse wax qabad walbo ee uu la imaado macalinkan laguma qiimeyn doono wuxuuna jagadiisa sanadka dambe ku wareejin doonaa Pep Guardiola.

Dhanka Bayern Munich iyadana waxay dadaal xoogan ugu jirtaa inay heshiis hordhac ah lasii gaarto Jurgen Klopp oo haatan shaqo la’aan ah.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>