Home » Maxaa Cusub » Pep Guardiola Oo Heshiis La Gaaray Kooxda Man City Una Soo Dhaqaaqi Doono EPL Xagaagan!

Pep Guardiola Oo Heshiis La Gaaray Kooxda Man City Una Soo Dhaqaaqi Doono EPL Xagaagan!


Pellegrini and Guardiola

Shabakada beIN SPORT ayaa shaaca ka qaaday sir caalamka ka qarsaneed madaama ay sheegtay in macalinka naadiga Bayern Munich Pep Guardiola uu heshiis la gaaray kooxda Man City.

Warbixintan ayaa lagu sheegay marka uu xili cayaareedkan dhamaado inuu Pep Guardiola macsalaameen doono kooxdiisa Bayern Munich una soo dhaqaaqi doono Premiership-ka Engand.

Pep Guaridola waxaa saaran cadaadis weyn kadib markii lugta kowaad ee Semi Finalaha Champion-ka naadiga Barcelona 3-0 ku suul daartay kooxdiisa Bayern.

Sidaa darteed macalinka reer Spain wuxuu go’aansaday inuu iska dhiibo hogaanka Bayern madaama labo sano oo xariir ah uu ku fashilmi rabo inuu koobka horyaalada Yurub ku guuleesto.

Inkastoo Pep heshiis 12-bilood ah weli u harsan yahay hadana xal ayuu u arkay inuu garoonka Allianz Arena isaga tago waxaana booskiisa la hadal hayaa inuu gali doono Jurgen Klopp oo naadiga Dortmund ka tagi doono marka uu xili cayaareedkan dhamaado.

Pep Guardiola ayaa badali doono macalin Manuel Pelligrini marka uu kooxda Man City imaado waxaana la sheegay in lacago badan la siin doono si uu xagaagan cayaartooy aad u tayo wanaagsan usoo iibsado.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>