Macalinka Bayern Munich Pep Guardiola ayaa dib ugu laabanaya garoonka Camp Nou isagoo cadaw ku ah kooxdii uu tababaraha u ahaa intii u dhaxeysay 2008 – 2012 horaanta bisha May.
Labadan kooxood ayaa ku kulmaya Semi Finalka koobka horyaalada yurub waxeyna isku beegmeen isku aad maanta ka dhacay magaalada Nyon.
Xusuusta Pep Guardiola ee Barcelona ayaan aheyn mid ay jamaahiirta kooxda sahal ku iloobi doonaan isagoo afar sano oo uu ku sugnaa kooxda u qaaday Laba Champions League iyo Sadex La Liga, balse foolxumadii ugu dambeysay ee lagu sagootiyay waxaa Semi finalka koobkaan kula dhigtay Barcelona.
Lionel Messi iyo Pep Guardiola oo ah laba shaqsi oo aad isku qadariya ayaa mar kale ku kulmaya Camp Nou iyagoo cadaw isku ah waana kulan xamaasad badan oo la wada sugayo.