Home » Maxaa Cusub » Pep Guardiola Oo U Deyriyay Man City: “Xagaaga Dambe Waxaan Baaqi Kusii Ahaan Doonaa Bayern”

Pep Guardiola Oo U Deyriyay Man City: “Xagaaga Dambe Waxaan Baaqi Kusii Ahaan Doonaa Bayern”


Pep Guardiola sails past the language barrier at Bayern Munich unveiling - video

Ugu dambeyntii macalin Pep Guardiola ayaa meesha ka saaray inuu xilka Bayern Munich iska dhiibi doono hadii uu xili cayaareedkan soo idlaado.

Macalinka reer Spain waxaa saaran culees xoogan sidoo kalena waxaa la sheegay inuu naadiga Man City heshiis hordhac ah la gaaray.

Balse Pep ayaa arimahan beeniyay wuxuuna yiri “Ma ahan markii ugu horeesay ee aan sheego inaan Bayern lasii joogo doono 200-milyan oo jeer ayaan dhashay xili cayaareedka dambe Allianz Arena waan sii joogi doona”

Inkastoo todobaadkii hore Bayern Munich guuldaro 3-0 kala kulantay naadiga Barcelona Semi Finalaha Champion-ka lugtiisa kowaad hadana Guardiola ayaa sheegay in mustaqbalkiia macalinimo aysan halis ku jirin.

“Heshiiska aan Bayern kula jiro hal sano ayaa iiga harsan mana jirto sabab aan ku kala tagno kooxdan faca weyn madaama wada shaqeyn adag naga dhaxeyso maamulka naadiga”

Ugu dambeyntii Guardiola ayaa ka hadlay kulanka adag ee kooxdiisa Bayern la cayaari doonto Barcelona wuxuuna yiri “Waa inan dulqaad sameenaa waayo wax walbo 20 ilaa 25-daqiiqo gudaheeda kuma qaban karno

“Waa inaan kubada cayaarnaa sidoo kalena aan ku dadaalno sidii aan goolal ku dhalin laheyn waayo Barcelona iyadaba lugtii hore qaybihii ugu dambeeyay ayay sedex gool naga dhalisay”

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>