Home » Maxaa Cusub » Peter Cech Oo Heshiis La Gaaray Arsenal & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala iibsiga Ciyaartoyda Maanta Oo Jimco Ah

Peter Cech Oo Heshiis La Gaaray Arsenal & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala iibsiga Ciyaartoyda Maanta Oo Jimco Ah


Suuqa

Ramadaan Kariim, Jimco wanaagsan dhamaan akhrisayaasha shabakadda Hiilkubad meel walba oo aad joogtaan, waxaan idin leenahay mar kale Ramadaan Wanaagsan.

Waxaan jecalnahay inaan idiin dulmarno wararkii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda iyo waxyaabhii xanta ahaa ee la qoray maanta oo Jimco ah.


Sergio Kun Aguero ayaa ku faraxsan inuu sii joogo Etihad Stadium isagoo u deyriyay kooxda Real Madrid, wuxuuna doonayaa inuu Champions League kula guuleysto City. (Daily Mirror)

Paris Saint Germain ayaa kula xifaaltami doonta Manchester City saxiixa Paul Pogba oo 22-jir ah, kooxda reer France ayaana dooneysa iney bixiso lacagaha ay duldhigtay Juve. (Daily Star)

Luis Nani oo ka tirsan Manchester United isla markaana amaah sanad ah kusoo qaatay Sporting Lisbon xagaagii dhamaaday ayaa ku biiri doona kooxda Fenerbahce ee dalka Turkiga 6 Malyan Oo Pound ayey ku qaadaneysaa isagoo saxiixi doona heshiis afar sano ah. (The Sun)

Peter Cech oo 33-jir ah ayaa heshiis la gaaray Arsenal isagoo kaga imaanaya Chelsea, waxaana la filayaa inuu noqdo goolhayaha koowaad ee Arsenal. (Daily Mirror).

Imaatinka Peter Cech ee Arsenal waxey natiijo keeni kartaa in Fenerbahce ay 4 Malyan Oo Pound ku qaadato David Ospina oo ka tirsan xulka Colombia. (Times)

Crystal Palace ayaa loo sheegay iney bixiso lacag dhan 15 Malyan Oo Pound ah hadii ay dooneyso iney qaadato Loic Remy oo ka tirsan Chelsea. (Daily Telegraph)

Tottenham Hotspur ayaa u dhaqaaqeysa soo xerogalinta goolhayaha kooxda Genoa Mattia Perin madama Hugo Lloris lala xiriiriyay Man United. (The Sun).

Southampton ayaa mar kale Liverpool u sheegtay in Clyne aysan ku iibin doonin lacag ka yar 15 Malyan Oo Pound, waxaana jirta in dalab 10 Malyan ah horay looga soo diiday. ((Daily Telegraph)

Martin Skrtel ayaa la filayaa inuu sadex sano dheeraad ah ku kordhiyo heshiiska uu Liverpool kula jiro xili la hadal hayay inuu kooxda isaga tagayo xagaagan. (Times)

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>