Real Madrid ayaa noqon doonta kooxdii ugu horeysay oo difaacata tartanka Champions League hadii ay ku socoto qaabka ay haatan u ciyaaraan sidaas waxaa aaminsan halyeeygii hore Manchester United Peter Schmeichel.
Wiilasha Carlo Ancelotti ayaa ku guuleystay xili ciyaareedkii idlaaday koobkoodii 10-aad ee yurub iyagoo xifaaltamayaashooda magaalada Madrid ku garaacay 4-1 kulan ka dhacay Lisbon bishii May ee sanadkaan.
Ma jiro koox laba jeer oo xiriir ah ku guuleystay Champions League tan iyo markii magacaan loo bixiyay sanadii 992-93, goolhayaha reer Denmark ayaana aaminsan in kooxda Real Madrid ay fursad u heysato.
“Real Madrid waxey noqon doontaa kooxdii ugu horeysay oo ku guuleysta Champions League laba sano oo xiriir ah” ayuu Peter Schmeichel u sheegay Goal.com.
“Waxey u muuqdaan kuwo awood leh, Ronaldo wuxuu ku jiraa waqti fiican, sidoo kalana James Rodriguez iyo Toni Kroos waa saxiixyo waaweyn” ayuu mar kale yiri Peter Schmeichel.
Sidoo kale Peter Schmeichel wuxuu aaminsan yahay in Pirlo uu yahay ciyaariyahan fiican, balse uusan xiligaan noqon karin hogaamiyaha dhabta ah ee xulka.
Ugu dambeyntiina Peter Schmeichel oo ahaa goolhaye taariikh ku leh kubada cagta ayaa aaminsan in goolhaye Manuel Neuer uu yahay gooldhaliyaha ugu fiican xiligaan dunida kubada cagta.