Daafaca da’da yar ee Real Madrid Raphael Varane ayaa ka dhawaajiyay inuu ku dhawaaday ku biiritaanka kooxda Manchester United ka hor inta uusan ka dagin kooxda Real Madrid.
Phil Jones ayaa sanadii 2011 kusoo biiray kooxda Manchester United isagoo markaas kasoo hayaamay kooxda Blackburn Rovers, balse kooxo badan oo ay ku jirto Manchester United ayaa sidoo kale isha ku hayay daafaca Raphael Varane kaas oo markaas ku sugnaa kooxda Lens ee dalka faransiiska.
Raphael Varane ayaa ka dhawaajiyay in markii ay Man United la saxiixatay Jones uu iska iloobay ku biiritaanka kooxda madama kooxda looga hormaray.
“Manchester United? waxey la saxiixdeen ciyaariyahan booskeyga ah waana Phil Jones” ayuu yiri Varane oo la hadlayay L’Equipe.
Sidoo kale Varane ayaa sheegay in hamiga Paris Saint Germain uusan aheyn mid si toos ah u cad, Real Madrid ayuuna ugu dambeyn ku biiray, tababare Jose Mourinho ayuuna ahaa macalinkii usoo iibiyay Real.
Varane ayaa qiray in uu qaatay go’aan u wanaagsan markii uu ku biirayay Real Madrid, wuxuuna dalab ka helay tababare Jose Mourinho oo u balan qaaday boos joogto ah.