Daafaca dhalinta yare e kooxda Man United iyo xulka England Phil Jones ayaa ka carooday dhaliil kaga timid halyee Paul Scholes.
Scholes ayaa ku tilmaamay Jones xidig aan hormar sameynin sandihii ugu dambeeyay sidoo kalena dhaawicii badan yahay.
Balse Phil Jones oo aan rabin in tayadiisa cayaareed shaki la galiyo ayaa arinkan ka jawaabay wuxuuan yiri “Wax iga galay malahan hadalka kasoo yeeray Scholes kaliya waxaa muhiim ah inaan dadaal sameeyo”
“Inta badan dadka waxay jeceyl yihiin inay si shaqsi ah wax kaaga sheegaan balse kubada si wadajir ah ayaa loo ciyaaraa”
Scholes ayaa sidoo kale Jones ku tilmaamay cayaaran aan aqoonin dhulkiisa ama booskiisa asigoo Jones midaas ka jawaabayo wuxuu yiri “Waa laga soo gudbay maalmihii aan dadka hadalkooda isku mashquulin jirnay waxaa muhiim ah inaan garoonka bandhig wanaagsan ka sameeyo”
“Dhamaan sedexda boos ee daafaca waan ka cayaaray sidoo kalena kubada sida loogu dagaalamo iyo sida loo cayaaro waan aqaan marka muhiim ma ahan hadal walbo oo la iiga sheego inuu saameyn igu yeesho”
Hadaba halyee Paul Scholes jawaab kulul ayaa hawada loo marsiiyay taasi oo ka dhigan in Jones uu yahay xidig aan aqbali karin dhaliisha saaxafada cayaartooyda beryahan sida waalan loogu marsiiyo!