Halyeegii hore ee kooxda Man United Phil Neville sidoo kalena ka mid noqday macalimiinta kooxdan lasoo shaqeesay ayaa ku booriyay United inay wax walbo sameyso si xagaagan looga hor istaago in David De Gae uu Real Madrid ku biro.
Phil Neville ayaa ku tilmaamay goolhaye De Gae laacibka ugu muhiimsan garoonka Old Trafford wuxuuna ku tilmaamay xidigan mid sabab u ah heerka ay United taagan tahay.
Neville oo la hadlaayay Manchester Evening News wuxuu yiri “Shaqada ugu weyn ee Man United laga rabo inay xagaagan qabato waa inay goolhaye David De Gae ka hor istaagto inuu ku biiro Real Madrid”
“Markii uu yimid iyo ilaa haatan ee uu noqday xidiga ugu muhiimsan United ma arag cayaaryahan sidaan oo kale hormar u sameyn karo sidaa darted waa qasab in xidigan la celiyo”
“Kulamada muhiim-ka ah isaga ayaa Man United u badiyay weliba inka badan 8-kulan ayaan xasuustaa inuu United sedexda dhibcood isaga siiyay”
“Sidaa darted hormarka ay kooxdan hiigsaneyso wuxuu ku xirnaan doono joogitaanka De Ga, hadii uu baxo wey adkaan doontaa in badalkiisa la helo”
David De Gae ayaa siweyn loo hadal hayaa marka uu xili cayaareedkan dhamaado inuu dib ugu laaban doono La Ligaha Spain madaama kooxda Real Madrid ay usoo dirtay dalab aad u sareeyo.