Halyeeygii hore kooxaha Man United iyo Everton Phil Neville ayaa hoos u dhigay eedeymaha loosoo jeedinayo tababaraha kooxda Liverpool Branden Rodgers kaas oo xili ciyaareedkan si xun ku bilowday dhamaan tartamada oo dhan.
Liverpool haatan waxey fadhisaa booska 12-aad ee kala horeynta iyadoo 18-dhibcood ka hooseysa Chelsea oo hogaanka horyaalka heysa iyadoo la xasuusto in xili ciyaareedkii hore ay ku dhameysteen booska labaad.
Si Kastaba Phil Neville ayaan la yaabeynin hoos u dhaca Rodgers isagoo aaminsan in horyaalku yahay bilow isla markaana ay is fahmi doonaan kooxda.
Phill Neville wuxuu hoos u dhaca kooxda u xagliyay maqnaashaha Luis Suarez, isagoo carabka ku adkeeyay in xili ciyaareedkii hore ay ku dhameysan lahaayeen 7-aad hadii uusan joogi laheyn Luis Suarez.
Neville wuxuu sidoo kale qiray in Rodges uu yahay shaqsiga ku haboon kooxda balse uu u baahan yahay waqti isla markaana aan loo qaban cadaadiska haatan saaran.
Dhanka kale eedeymaha macalinkaan ayaa soo badanayay tan iyo bilowga horyaalka waxaana dad badan ay qabaan in ninkaan kasoo jeeda waqooyiga Ireland uusan qibradba u laheyn tartamada yurub, balse Neville ma qabo fikirkaas.
Ugu dambeyntii Neville ayaa qiray in Rodgers uu yahay macalin leh qibrad heer sareysa balse naaquska ciyaartoyda kooxda ayuu u xagliyay iney ugu wacan tahay hoos u dhaca kooxda.