Bayern Munich ayaa ku dhawaaqday in Philipp Lahm uu garoomada ka maqanaan doono mudo sadex bilood ah kadib markii xidigaan uu ka jabay canqawga xili uu gudanayay tababarkii maanta oo talaado aheyd ay kooxda sameyneysay.
31-jirkaan heerka caalami ee dhawaan ku dhawaaqay inuu isaga fariistay ciyaaraha caalamiga ah xilli uu Jarmalka u hogaamiyay ku guuleysiga koobka Aduunka, balse maanta ayuu ku dhibaatoobay tababarkii kooxdiisa waxaana warbixinta lagu daray inuu qaliin u baahan yahay xidigaan.
Inkastoo ay dhibaato soo gaartay subaxnimadii hadana galabta ayey Bayern Munich si rasmi ah website-keeda ugu shaacisay sidoo kalana bogga xiriirka bulshada ee twitter-ka ayey ku shaacisay.
Ka hor shilka, Lahm ayaa la hadlay website-ka ramsiga ah ee kooxda kana hadlay sida uu ugu raaxeysanaayo inuu waqti la qaato kooxdiisa xili badi xidigaha kooxda ay ku maqan yahiin ciyaaraha qaranka.
Philipp Lahm ayaa door muhiim ah ka qaatay kooxda Bayern, wuxuuna kasoo muqday 18-kulan, isagoo dhaliyay 2-gool, balse nasiib xumo ayaa lasoo daristay madama uu mudo badan garoomada ka maqnaan doono.
Bayern Munich ayey horay uga maqnaayeen: Javi Martinez, Thiago Alcantara, David Alaba, Holger Badstuber iyo Claudio Pizarro kuwaas oo dhaawacan, balse Bastian Schweinsteiger ayaa kusoo laabtay tababarka kooxda kaas oo mudo garoomada kaga maqnaa dhaawac soo gaaray kadib koobka Aduunka.