Home » Horyaalada » Bundesliga » Philipp Lahm “Wuu Bixi Karaa Thomas Muller Xagaagan Wax Walbo Ayaa Dhici Karaan”

Philipp Lahm “Wuu Bixi Karaa Thomas Muller Xagaagan Wax Walbo Ayaa Dhici Karaan”


Muller

Madaama siweyn loo hadal haayo in kooxda Man United ay lacago waali ah ku dooneyso Thomas Muller waxaa arinkan ka hadlay kabtanka Bayern Munich Philipp Lahm.

Philipp Lahm ayaa diiday inuu 100% xaqiijin karo in Thomas Muller uu xagaagan Bayern lasii joogi doono wuxuuna xidigan waaya araga ah sheegay in wax walbo ay suura gal yihiin.

Philipp Lahm wuxuu yiri “Kubada cagta wax kasto ayaa ka suura galaan, ma ahan arin aan go’aamin karo,sidaa darteed Thomas Muller ma xaqiijin karo 100% in xidigan uu nala sii joogi doono”

“Wax walbo ayaa la filan karaa sidoo kalena wax walbo lama sadaalin karo inkastoo Thomas uu muhiim inoo yahay hadana go’aanka mustaqbalkiisa cayaareed isaga ayaa iska leh”

Waxaa gudaha dalka Jarmalka laga hadal hayaa in Thomas Muller uu kooxdiisa Bayern ku cadaadinaayo inay dalabka Man United dhageestaan.

Man United ayaa ugu tala gashay inay Muller xagaagan 100-milyan oo euro ah kusoo iibsato waaa lacagtii ugu badneed ee ebid cayaaryahan kusoo iibsato naadi ka dhisan dalka England waa hadii uu heshiiskan hirgalo.

Man United ayaa dooneyso inay xidigii labaad kasoo iibsato kooxda Bayern Munich ayadoo dhawaan Bastian Schweinsteiger kasoo iibsatay.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>