Home » Horyaalada » italian Serie A » Pippo Inzaghi Oo Shaaca Ka Qaaday Macalinka Uu Jecel Yahay Inuu Wax Walbo Kaga Deydo

Pippo Inzaghi Oo Shaaca Ka Qaaday Macalinka Uu Jecel Yahay Inuu Wax Walbo Kaga Deydo


sir-alex-pippo

Tababaraha dhalinta yar ee xili cayaareedkan hogaanka kooxda AC Milan la wareegay Pippo Inzaghi ayaa ka dhawaajiyay inuu hadafkiisa yahay kubada cagta inuu ku waaro sidoo kalena wuxuu ka xusay macalinka uu jecel yahay inuu wadadiisa qaado.

41-jirkan wuxuu yiri “Riyadeda waxay tahay inaan noqdo Sir Alex Ferguson-ka Milan waayo Sir Alex kubada cagta heerkii ugu sareeyay ayuu ka gaaray anigana waxaan doonayaa inaan Milan ku waaro oo aan guulo taariikhi ah u horseedo”

Inzaghi ayaa sidoo kale sheegay inuu kalsoonida gudoomiyaha MIlan heesto inkastoo tababarahan uu haatan cadaadis xooga saaran yahay.

“Dhawaan gudoomiye Berlusconi ayaan la kulmay wuxuuna ii sheegay inuu jecel yahay inaan Milan hogaamiyo 20-sano ee socoto!”

“Midaas waxay muujinee inuu kalsooni buuxdo igu qabo balse aniga waxaa leyga rabaa inaan isbadal la imaado sidoo kalena aan kooxd wadada guusha ku hago xili cayaareedkan”

Ugu dambeyntii Inzaghi ayaa ka dhawaajiyay in hadafka kooxdiisa Milan uu xili cayaareedkan yahay inay ka mid noqdaan 3-naadi ee ugu sareeyo Serie A-da si ay xili cayaareedka dambe koobka horyaalada Yurub ugu soo baxaan.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>