Home » Maxaa Cusub » Portugal Oo Si Dirqi Ah Kaga Badisay Denmark & Jarmalka Oo Mar Kale Guul Gaari Waayay

Portugal Oo Si Dirqi Ah Kaga Badisay Denmark & Jarmalka Oo Mar Kale Guul Gaari Waayay


Portugal 1

Portugal ayaa gaartay guul loo rafaaday markii ay marti u noqdeen xulka mayalka adag ee Denmark, Ronaldo ayaana ahaa xidigii dhaliyay goolka guusha xulka Portugal kaas oo yimid waqtigii dhimashada.

Portugal ayaa gaartay guusheedii ugu horeysay isreeb-reebka Euro madama kulankii furitaanka ay guldaro xun ka heshay xulka awooda yar ee Albania oo haatan majaraha u haya groupka I.

Ronaldo goolkiisa ayaase kaga filnaatay Portugal iney soo istaagaan booska sadexaad ee kala horeynta iyagoo kaliya laba kulan ciyaaray, iyadoo Denmark ay ku jirto booska labaad iyadoo leh 4-dhibcood sidoo kalana ciyaartay sadex kulan.

Dhanka kale Jarmalka ayaa taako kala kulmay xulka Ireland ciyaar marti loogu ahaa gurigooda iyadoo John O’shea uu noqday wiilka niyada ka jabiyay xulka Jarmalka.

Toni Kroos ayaa hogaanka u dhiibay xulka difaacanaya koobka Aduunka ee Jarmalka, waxaana waqtigii dhimashada gool barbardhac ah dhaliyay John O’shea.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>