Home » Horyaalada » France League I » PSG Oo Dooneyso Inay Saxiixa Vidal Kaga Dul Qaado Kooxda Man United!

PSG Oo Dooneyso Inay Saxiixa Vidal Kaga Dul Qaado Kooxda Man United!


Arturo-Vidal-Juventus

Inkastoo siweyn loo hadal haayo in mashiinka reer Chile Arturo Vidal uu bisha Janaayo kooxda Man United usoo dhaqaaqi doono hadana naadiga PSG ayaa haatan dalab lama filaan ah kasoo yeeray.

Kooxda reer France ayaa sheegtay inay dhigeeda Juventus kala hadli doonto qaabkii Vidal looga iibin laha waxayna PSG diyaarisay £23.5m iyo Ezequiel Lavezzi inay Juve ku wareejiso.

Dabcan Juve dalabkan si wacan ayay usoo dhaweyn doontaa madaama kooxda reer Talyaani ay ku raad joogto saxiixa Ezequiel Lavezzi oo aad ugu wanaagsan ka cayaarista garbaha midig iyo bidix ee weerarka.

Vidal waxaa lagu qiimeeyaa £40 ilaa 50m sidaa darteed dalabka PSG kasoo yeeray ayaa ah mid Juve ay soo dhaweyn doonto waxayna Paris dooneysaa inay xidigan bia Janaayo gacanta kusoo dhigto si ay booska Yoahan Cabaye u galiso.

Waxaa hubaal ah in saxiixa Vidal lagu dagaalami doono madaama Man United ay markii hore aaminsaneed inay galigeed ku tahay balse haatan fadhi uma yaalo marba hadii PSG ay meesha soo gashay.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>