Home » Maxaa Cusub » PSG Oo Kalsooni Ku Qabta Saxiixa Di Maria & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Maanta Oo Isniin Ah

PSG Oo Kalsooni Ku Qabta Saxiixa Di Maria & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Maanta Oo Isniin Ah


Suuqa

Maalin Wanaagsan, Isniin wanaagsan dhamaan akhrisayaasha shabakadda Hiilkubad meel walba oo aad joogtaan, waxaan idin leenahay mar kale Ramadaan Wanaagsan.

Waxaan jecalnahay inaan idiin dulmarno wararkii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda iyo waxyaabhii xanta ahaa ee la qoray maanta oo Isniin ah…


 

Paris saint Germain ayaa kalsooni ku qabta iney lasoo saxiixaneyso Angel Di Maria madama kooxdiisa Man United ay u dhaqaaqday soo xerogalinta Pedro Rodriguez. (Mirror)

Edinson Cavani ayaa iska indho tiraya dalabyada kaga imaanaya kooxda Manchester United kadib markii Laurent Blanc uu u sheegay inuu ka ciyaari doono weerarka dhexe ee kooxda. (Mirror)

Manchester United oo u dhaqaaqday saxiixa Sergio Romero kaas oo ay dooneyso iney badal kaga dhigto David De Gea hadii uu ka tago Old Trafford. (Mirror)

Arsenal ayaa markaan qorsheyneysa iney lasoo saxiixato weeraryahanka kooxda Manchester City Edin Dzeko. (Star)

Kooxdaha West Ham iyo Bournemouth ayaa kusoo biiray loolanka ay kooxda Newcastle United ugu jirto saxiixa Charlie Austin. (Star)

Christian Benteke ayaa la filayaa in 48-saac ee soo aadan uu caafimaadka u maro kooxda Liverpool, Villa ayaana markaan badalkiisa la dooneysa Charlie Austin. (Express)

Wakiilka Fifa Santos Marquez ayaa aaminsan in Cristiano Ronaldo uu dib ugu laaban doono Man United kadib markii uu balan la galay Louis Van Gaal (Layaab) (Express)

Sidoo kale Aston Villa ayaa dooneysa iney xidiga dhawaan muslimay ee Emmanuel Adebayor ay badal uga dhigto Benteke oo Liverpool ku biiraya. (Mail)

Kooxda Newcastle United ayaa qarka u saaran iney lasoo saxiixato daafaca kooxda Andetletch Chancel Mbemba. (Mail)

Kooxda Liecester City ee ka dhisan Ingiriiska ayaa dhigeeda Chelsea weydiisatay iney amaah ku siiyaan Oriol Romeu. (Mail)

Liverpool ayaa diyaar u ah iney badbaadiso mustaqbalka mugdiga noqday ee Mario Goetze madama uu keyd ka galay Bayern Munich. (Telegraph)

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>