Home » Europe » Champions League » PSG vs Barca, Atletico vs Real: Isku Aadka Wareega Quater Finalka Champions League Oo La Sameeyay

PSG vs Barca, Atletico vs Real: Isku Aadka Wareega Quater Finalka Champions League Oo La Sameeyay


Champions League Draw

Waxaa goor dhaweyd lasoo afjaray xaflad ka dhacday magaalada Nyon ee dalka Switzerland waxaana la sameeyay isku aadka wareega Sideed dhamaadka koobka horyaalada yurub ee Champions League.

Kulamo adag ayaa kasoo baxay iyadoo xusuus la is galiyay waxaana isku beegmay Paris Saint Germain iyo Barcelona kuwaas oo isku arkay wareega groupyada tartankaan haatan socdo, sidoo kale waxaa isku beegmay kooxaha ku xifaaltama caasimadda Spain ee Madrid (Atletico Madrid vs Real Madrid).

Kooxaha Juventus iyo Bayern Munich ayaana isku aad fudud galay walow labada kooxood ee ay ku aadeen aan la dhayalsan karin waxaana ay ku beegmeen kooxaha As Monaco iyo Fc Porto.

Isku Aadka Oo Dhameystiran:

Paris Saint Germain vs Barcelona

Atletico Madrid vs Real Madrid

Fc Porto vs Bayern Munich

Juventus vs As Monaco

Lugta hore kulamada Champions League waxaa la ciyaari doonaa 14-ka iyo 15-ka April, halka lugta labaad la ciyaari doono 21-ka iyo 22-ka April.

ISKU AAD

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>